Daawo: Odayaasha Beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Al-Shabaab oo xog bixiyay

Daawo: Odayaasha Beesha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Al-Shabaab oo xog bixiyay

daajis.com:- Odayaashii Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ee dhowaan Al-Shabaab ugu tegay degmada Xarardheer ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaga oo faahfaahin dheeraad ka bixiyay ujeedka ay ugu tageen kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale heshiiska ay la soo galeen.

Odayaashan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa marka hore beeniyay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah.

“Oday dhaqan waxaa xalkiisu yahay meeshii dadka shacabka ah wax ka galaan inuu galo, sidaas ayaan annaga ku galnay. Shabaab ma nihin, siyaasiyiina ma nihin,” ayuu yiri Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle oo kamida odayaasha heshiiska lasoo galay Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamnay in heshiiskooda ay ku soo daayeen illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen Al-Shabaab, sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

“Annagu 67 qofood ayaan keenay, gaadiidkii Saleebaan oo afar bilood xayirnaa saakadaan-bey dareerayeen kulligood,” ayuu sii raaciyay Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle.

Dhankiisa Nabadoon Sugaal Warsame Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusay in wax xiriir ah ama wada-shaqeyn ah aysan la laheyn Al-Shabaab, balse wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa inay soo dayaan dadkaasi shacabka ah ee lagu heystay Xarardheere.

“Al-Shabaab lama shaqeyno wax xiriir ah nagama dhexeeyo ujeedkeena waa in aan dadka naga xiran ka soo deyno,” ayuu isna yiri Nabadoon Sugaal Warsame Cali.


Si kastaba, tallaabada ay qaadeen odayaashaan iyo heshiiska ay lasoo galeen kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa si weyn iga hortimid Beesha Saleebaan, kadib kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaga oo wax ba kama jiraan  ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada