Xuseen Macallin oo shaaca ka qaaday arrin uu qariyay Wasiirka Gaashaandhigga

Xuseen Macallin oo shaaca ka qaaday arrin uu qariyay Wasiirka Gaashaandhigga

daajis.com:- Xuseen Macallin Maxamuud oo haatan la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaa ee hadda ka socdo inta badan gobollada dalka isaga oo xaqiijiyey in Turkiga uu kamid yahay saaxibada ka qayb-qaadanayo dagaalka.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in guullo waa weyn laga gaaray howlgallada socdo, isla-markaana Al-Shabaab laga saaray dhul ballaaran.

Xuseen Macallin ayaa meesha ka saaray hadalkii Wasiirka Gaashaandhigga oo isagu horey u qariyay in diyaaradaha Turkiga ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV, laakin la-taliyaha ayaa caddeeyay in Turkiga uu door weyn ku leeyahay dagaalka socdo, uuna u mahadcelinayo.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Turkiga uusan kaliya cirka ka taageereyn ciidamada Soomaaliya, balse uu xittaa siiyo qalab iyo tababar dheeraad ah.

“Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka cirka naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo u warramay Warbaahinta dowladda.


Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab, waxayna taageero ka heleysa dowladaha ay ka socdaan ciidamada ATMIS, Mareykanka, Turkiga iyo dalal kale.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa soo socday in ka badan 15 sanno, waxayna weli gacanta ku hayaan degmooyin iyo deegaano ka tirsan dalka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada