Xamza oo amray in lala xisaabtamo shaqaalaha aan shaqada iman

Xamza oo amray in lala xisaabtamo shaqaalaha aan shaqada iman

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xamxa Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa amray inay la xisaabtamaan shaqaalada dowladda ee aan shaqada soo xaadirin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in shaqaalaha dowladda oo dhan 5,000 ay shaqada kasoo galaan kaliya 1,500, taasi oo u dhigantay 30 boqolkiiba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta faray agaasimayayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

“Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada