Ciidamo horleh oo ku biiray dagaalka ka socda Laas-Caanood

Ciidamo horleh oo ku biiray dagaalka ka socda Laas-Caanood

daajis.com:- Ciidamo gurmad u ah xoogagga SSC kana tirsan Puntland, balse u abaabulan hab beeleed ayaa gaaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hib aad u farabadan ayaa xalay ka soo baxay magaalada Qardho,si ay qayb uga noqdaan xoraynta gobolka Sool.

Mas’uuliyiin kala duwan iyo Saraakiil Ciidan ayaa kusoo dhaweeyay Ciidamada Magaalada Laas-Caanood, iyaga oo saacadaha soo socda tegi dooan furimaha dagaalka ee duleedka Magaalada.

Xaaladda Magaalada Laas-Caanood ayaa saaka degan, balse markasta dagaal la filan karo maadaama weli ay duleedka Magaalada isku hor-fadhiyaan dhinacyadii dagaalamayay.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada