DEG DEG: DF oo baaris ku bilaabeysa shaqsiyaad la tuhunsan yahay

DEG DEG: DF oo baaris ku bilaabeysa shaqsiyaad la tuhunsan yahay

daajis.com:- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa goordhoweyd shaaciyay in loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, oo ay ugu horeyso kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay inuu qaadayo tallaabo ka dhan ah shaqsiyaadka lala xiriirinayo eedeymahaasi, taasi oo ku aadan baarista iyo dacwad oogista tuhunsanayaasha, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo gaaray kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada, kiisaskaas oo ay xafiiska usoo gudbisay xarunta warbixinada maaliyadda jFS (FRC) ee dowladda federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer-Ilaaliyaha Guud.

Waxa kale oo lagu yiri war-saxaafadeedka “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isaga oo gudanaya waajibaadka shaqo ee ka saaran baarista iyo oogista dembiyada, waxa uu tallaabada ku habboon ka qaadanaya kiisaska soo garay iyo shakhsiyaadka la tuhusan yahay.”

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay dhamaan falalka lidka ku ah sharciga, wuxuuna ugu baaqay in la dhawro xeerarka iyo shuruucda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay waday dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda, kuwaasi oo inta badan ay kooxda si baad ah uga qaado ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.


Waxay dowladda ku guuleystay tan iyo markaas inay xirto in ka badan 250 akoon iyo 70 lambar oo kooxda u adeegsan jirta qaadista lacagaha ay sida xoogga ah uga qaadaan ganacsatada, iyada oo muwaadiniinta Soomaaliyeed looga digay inay ka fogaadan tallaabo kasta oo caawin karta kooxda, gaar ahaan la xiriirta embiyada lacag dhaqidda iyo maal-gelintooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale hore u sheegtay in hadda kadib ay “si buuxda ula wareegi doonto hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqida ama maal-gelinta argagixisada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada