Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

daajis.com:- Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana u xalay isku soo dhiibay Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ee ku sugan dagmada Janaale.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan ugu baaqay xubnaha maleeshiyada Al-shabaab inay ka baxaan urururkaas, iyada oo dhinaca kale ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka looga saaro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro al-Shabaab.


Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa toddobaadkii hore sheegay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-Shabaab ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada