Dowladda Norway oo xirtay Gabdho Walaalo Soomaali ah oo loo heysto inay la Shaqeeyaan Kooxda Daacish

Dowladda Norway oo xirtay Gabdho Walaalo Soomaali ah oo loo heysto inay la Shaqeeyaan Kooxda Daacish

daajis.com:- Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Norway ee PST ayaa shaacisay in la xiray labo gabdhood oo walaalo ah Soomaali ah, kuwaas oo ka soo laabtay dalka Suuriya, iyaga iyo carruurtooda.

Maamulka Norway ayaa gabdhaha walaalaha ah ku soo oogay dacwad ah in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ISIS, waxaana ay sheegeen in ay ku lug leeyihiin Askareynta carruurta.

Talaadadii, Norway waxay ku dhawaaqday inay dib u celinayso labada gabdhood ee walaalaha ah, Ayan iyo Leila Juma, iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo laga keenay xero qaxooti Suuriyaan ah, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda xarunta oo aad u xun.

Gabdhaha walaalaha ah ee Soomaalida Norway ayaa sanadkii 2013-kii ka tagay dalka Norway iyaga oo dhalinyaro ah, si ay ugu biiraan kacdoonka looga soo horjeedo Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Haatan da’ahaan waa 29 iyo 25 jir, dumarkan waxaa u jooga saddex gabdhood, oo ay aabbe u yihiin dagaalyahannada dawladda Islaamiga ah, sida uu qoray wargeyska Verdens Gang ee Norway ka soo baxa.

Carruurta ayaa lagu soo waramayaa inay da’doodu kala tahay lix, toddobo, iyo siddeed jir.


Wasiirka arrimaha dibadda Norway Anniken Huitfeldt ayaa tiri, “Xaaladda nololeed ee ka jirta xeryaha waa mid aad u xun oo khatar ah, carruurtan Norway waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryahaas oo aan ahayn in carruurtu ku noolaadaan.”

Huitfeldt ayaa intaa ku daray in gabdhaha walaalaha ah ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay Norway ula soo laaban lahaayeen caruurtooda, iyagoo og inay wajihi doonaan xarig marka ay yimaadaan. Sidoo kale ay  tilmaamay in maamulada Maraykanka, UN, iyo Kurdiyiinta ay taageereen dib u celinta kiisas la mid ah xasiloonida gobolka.

Maamulka Kurdiyiinta ee gacanta ku haya xerada Al-Roj ee ku taal waqooyi bari Suuriya ayaa ku dhawaaqay in gabdhaha walaalaha ah lagu wareejiyay diblumaasi u dhashay dalka Norway. lana saaray diyaarad loo qorsheeyay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Gardermoen ee magaalada Oslo kadibna xiray labada haween markii ay yimaadeen.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada