Golaha Wasiirada oo go’aan culus kasoo saaray dilalka Bajaajleyda + Sawirro

Golaha Wasiirada oo go’aan culus kasoo saaray dilalka Bajaajleyda + Sawirro

daajis.com:- Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dilalka Bajaajleyda oo maalmihii dambe aad u kordhay.

Shirkaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno looga hortagayo dhibaatada ay la kulmaan darawalada Bajaajta.

Sidoo kale wuxuu goluhu faray saraakiisha laamaha ammaanka in ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo dilalkaas, si loo xisaabtamo askarta geysaneysa.

Dilalka Bajaajleyda ayaa dhaliyay caro xoogan, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan dhowr darawal loogu dilay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ka dhashay dibad-baxyo xoogan oo ay dhigeen Bajaajleyda, ayaga oo xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda, si cabashadooda usoo bandhigaan.


Dhinaca kale Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG, kadib markiii la horgeeyay

Guddigan oo ka kooban illaa 5 xubnood ayaa waxaa soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, ayada oo goluhu ansixiyay.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada.

Waxaa kale oo ee goluhu meel -mariyay laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada