Maxaa kasoo kordhay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo? + Sawirro

Maxaa kasoo kordhay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo? + Sawirro

daajis.com:-  Madaxweynaha dowladda fedederaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobadlaha ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ugu horreyntii shirka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaasi kadib madaxweynaha Soomaaliya oo la wareegay guddoonka shirka ayaa la wadaagay Golaha Wasiirada Jubbaland warbixin ku aadan safarkiisa Kismaayo iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Golaha uga warbixiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo wejiga labaad howlgalka ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka.

Dhankooda qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada ayaa shirka kusoo bandhigay waxqabadkooda, kadib warbixino ay la wadaageen madaxweynaha dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale la filayaa madaxweynuhu inta uu joogo Kismaayo inuu kulmo odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.


Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa dadaal gelin doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada