Qalab weyn oo dul sabeenayay biyaha dalka Turkiga oo la bur buriyay

Qalab weyn oo dul sabeenayay biyaha dalka Turkiga oo la bur buriyay

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabo ay ku bur burineyso qalab weyn oo aan la aqoon waxa uu yahay oo shalay oo jimco ah lagu arkay biyaha badda dalka Turkiga isaga oo dul sabeenaya.

Qalabkan aan la aqoonsan ayaa lagu arkay xeebaha gobalka Ordu ee Badda Madow, waxaana dowladda Turkiga si deg deg ah u go’aamisay in ciidamada qalabkaasi bur buriyaan si aysan dhibaato uga imaan.

Wakaalada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu ayaa shaacisay in qalabka la burburiyey oo baaxadiisu lagu qiyaasay Fuusto oo kale ayey Ciiddanka ammaanka maareeyeen iyaga oo kaashanaya hay’adda masiibooyinka iyo maaraynta gurmadka deg dega ee AFAD.

Ciidamada Turkiga ayaana dadka deegaanka ka daad gureeyay dhismayaasha ku dhaw dhaw goobta lagu bur burinayay qalabkan laga shakiyay, waxaana dadka la geeyay goobo ammaan ah intii uu howlgal bur burinta socday.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada