dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo ka wadahadlay in la fududeeyo gargaarka bini'aadanimo

dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo ka wadahadlay in la fududeeyo gargaarka bini'aadanimo

daajis.com:- Ergo ka kala socota dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku sugan dalka Sucuudiga, si ay u diyaariyaan in la furo marino ammaan ah oo ay isticmaalaan gargaarka bini’aadanimo, si loo gaadho dadka tabaalaysan.

Dhinacyada uu dagaalku dhexmarayo ayaa ku adkaystay inay isu soo horfadhiisteen oo keliya, in wax laga qabto xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta dalka Sudan, hase ahaatee aanay halkan u joogin in laga wada hadlo heshiisyo xabbad-joojin ah.

Gorgortankan ka horreeya wadahadalada ayaa bilaabmay maalintii Sabtidii. Dawladda Sucuudiga ayaa hore u ballanqaaday inay dalka Sudan ugu deeqi doonto gargaar bini’aadanimo oo gaadhaya illaa $100 milyan.

Dagaalka ka bilawday dalka Sudan, badhtamihii bishii April ayaa dhexmaray ciidamada milateriga ee dalkaas iyo weliba xoogagga sida gaarka ah u tababaray, kuwaas oo heshiis ku ahaa xukunkii milateri ee lagu inqilaabay xukuumaddii rayidka ahayd. Dagaalkan ayaa sababay inay boqollaal kun oo u dhashay dalkaasi inay guryahooda ka cararaan, iyaga oo magangelyo ka raadsaday dalalka xuduuda la leh.

Labada General ee kala hoggaaminaya ciidamada ku dagaalamaya Sudan, ee General Abdel Fatah Burhan iyo General Mohammed Hamdan Dagalo, ayaan kulmin tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.

Heshiisyo xabbad-joojin ah oo aan cago adag ku taagnayn oo ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa noqday kuwo aan si rasmi ah u dhaqan gelin.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 334,000 oo qof inay ku barakaceen dagaallada ka socda Sudan, marka lagu daro illaa 100,000 oo qof oo iyagu dalka ka baxay. Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa iyadu ma digtay in dagaalada ka socda Sudan inay keeni karaan inay dalkaas ka cararaan in ka badan 800,000.


Inta badan hawlihii gargaarka bini’aadanimo ayaa hakad la geliyey ama waxaa si daran u saameeyey xaalada amni ee dalkaas ka jira. Iyada oo qaar ka mida shaqaalaha gargaarku ay ku dhinteen dagaalada.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in la bililiqaystay qaar ka mida taakulooyinkii loogu talo galay hawlaha gargaarka bini’aadanimo.

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ugu yaraan 17,000 oo ton oo cunto ah oo u dhiganta $13 illaa $14 million in laga xaday bakhaaradii kaydka ee ku yaallay meelo badan oo dalka Sudan ah.

Isutagga hay’adaha Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa baaq degdeg ah soo saaray, oo ku saabsan in la taageero hay’adda Bisha Cas ee Sudan, si ay gargaar bini’aadanimo u gaadhsiiyaan illaa 200,000.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa qortay AP, Reuters iyo AFP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada