Farmaajo oo 'boogaadiyay' doorashada Puntland

Farmaajo oo 'boogaadiyay' doorashada Puntland

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo 'ayaa shacabka iyo maamulka Puntland ku ammaanay hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka' sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

"Hannaankan doorashada tooska ah inay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan inay hoggaankooda kusoo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecelnahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed." ayuu Farmaajo ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabril ayaa soo dhoweeyey qoraalka madaxweyne Farmaajo.

“Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan lee yahay Madaxweyne waan kugu bogaadinaynaa inaad taageertay barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland,” ayuu Cabdirashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed ayaa la filayaa inay dhacdo berri oo Khamiis ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada