Madaxweyne ERDOGAN oo helay taageero xaqiijineysa guushiisa wareega labaad

Madaxweyne ERDOGAN oo helay taageero xaqiijineysa guushiisa wareega labaad

daajis.com:- Dadka waddanka Turkiga ayaa 28-ka bishaan markale u dareeri doona codeynta doorashada madaxweynaha. Markan laba musharax ayaa tartami doonta, waana madaxweynaha tallada haya Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha xisbiga calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu.

Doorashadan ku celiska ah waxaa ugu saameyn badan ninkii kaalintii saddexaad ka galay doorashadii dhacday 14-kii bishaan ee lagu adkaan waayay Sinan Ogan. Dhowr maalmood waxaa la sugayay halka uu taageeri doono doorashada kala baxa ah ee 28-ka bishaan.

Kulamo ayuu la qaatay Recep Tayyip Erdoğan iyo isbaheysiga ka soo horjeeda labadaba, ugu dambeyna waxa uu Ankara uga dhawaaqay go’aankii la wada sugayay.

Sinan Ogan waxa uu sheegay in cod bixinta dhici doona 28-ka bishaan in isaga iyo taageerayaashiisa la safan yihiin madaxweyne Erdoğan oo raba inuu shan sano oo kale sii hoggaamiyo Turkiga.

Ninkan ayaa Jamahiirta waddaniyiinta dhabta ah iskugu yeera, wuxuu ku tilmaamay ciyaartoyda go’aaminaya natiijada doorashada 28-ka bishaan.


Wuxuu helay 5.7% codadkii doorashadii dhacday 14-kii bishaan, wuxuun sabab u noqday inay kala adkaan waayan Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu.

“Waxaan aaminsanahay inuu go’aankeena noqon doono mid dariiq sax ah u jiheeya dalkeen iyo qarankeena,” ayuu yiri Ogan, isaga oo go’aankiisa ku saleeyay in Recep Tayyip Erdoğan uu ku guuleystay tirada ugu badan ee kuraasta baarlamaanka.

“Waa muhiim in madaxweynaha la dooranayo uu sidoo kale haysto hoggaanka Baarlamaanka, si uu dalka iskula jaanqaado,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, isaga oo sheegay in isbaheysiga uu hoggaamiyo Kamaal in aanay soo bandhigin hoggaankii talinayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Musharax Sinan waxa uu sheegay in go’aanka ay kula safteen Erdoğan, uu sidoo kale ka dhigan yahay taageerada mab’diisa aan joogsiga laheyn ee la-dagaalanka argagixisada.

Dadka waxay badankooda saadaalinayeen inuu Sinan Ogan raaci doono dhanka Kemal Kilicdaroglu oo isku aragti ka yihiin dhanka naceybka qaxootiga, laakiin waxaa dhinaca kale aad loo xoojinayay dood dhaheysa dadka waddaniyiinta dhabta ah isku yaqaana ee taageera Sinan ma ogola in dalkan loo jabiyo reer galbeed.

Dadka waddanka Turkiga badi waxyaabaha ay Recep Tayyip Erdoğan ku jecel yihiin waa sida uu ula xisaabtamo reer galbeedka.

Taageerada Sinan uu taageeray madaxweyne Erdoğan ayaa la sheegaya inay wax badan ka tari doonto doorashada ku celiska ah ee dhici doonta 28-ka bishaan.

Haddii Kemal Kilicdaroglu iyo xulafadiisa loogaga adkaado doorashada soo aadan, waxay ka dhigan tahay in Turkidu ay iska diiday inay ku daba feylaan reer Galbeed iyo dhinaca kale in qaxootiga faraha badan ay ka badbaadi doonaan masaafuris.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada