Kenya oo gacanta ku dhigtay saddex Daacish ah oo kusoo wajahnaa Puntland

Kenya oo gacanta ku dhigtay saddex Daacish ah oo kusoo wajahnaa Puntland

daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa gacanta ku dhigtay saddex xubnood oo Daacish ah, kuwaasoo kusoo wajahnaa Soomaaliya, si ay ugu biiraan dagaalka argagixiso ee ka socda dalka, sida lagu daabacay majalada The Standard.

Saddxeda nin ee la qabtay oo labo kamid ah ay walaalo yihiin ayaa si gaar ugu soo socday dhanka Puntland, halkaasoo ah deeganaada kaliya ee saldhiygo ku leeyihiin Koxoda Daacish oo ay dagan yihiin hoggaamiyayaasha kooxda iyo dagaalamayaashooda.

Ayub Bwanaadi oo 32 sano jir ah iyo Mohammed Bwanaadi oo 22 jir walaalo ah iyo Kassim Ahmed oo 29 jir ah ayaa lagu xiray Ismaamulka Isiolo, xiliga la qabanayay waxa ay kusii jeedeen Mooyaale, 7-dii April ayaa gacanta lagu dhigay.

Intii lagu guda jiray su’aalo weydiinta, seddexdan nin ayaa sheegay in ay ka soo safreen Tanzania oo ay sii mareen Lungalunga, una socdeen xaafadda Islii ee Nairobi, ayna u sii gudbi lahaayeen Itoobiya ka hor inta aysan aakhirka u gudbin Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda argagixisada ah ee Daacish.


Kiiskan ayaa daboolka ka qaaday saamaynta sii kordhaysa ee kooxda argagixisada ah ee Afrika. ISIL ama Daacish ayaa hadda ku sugan dalalka Koonfur Afrika, Mozambique, DR Congo, Soomaaliya iyo sidoo kale gobolka Saaxil.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada