Wararkii Ugu dambeeyay saameeynta Fatahaada Webiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne

Wararkii Ugu dambeeyay saameeynta Fatahaada Webiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in saameyn xooggan uu ka dhashay Fatahaada Wabiga shabeelle uu ka geystay Magaaladaas.

Daadad ka soo rogmaday Biyaha Webiga Shabeelle ee magaalada Baledweyne ayaa  sababay in uu istaago isu scodka guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Dadkii degana afarta xaafadood ee Baledweyne ayaa u barakacay degaanka Ceel jaalle ee duuleedka magaalada Baledweyne oo ah meel aysan gaarin biyaha wabiga Shabeelle oo mar walba uu wabiga fatahaad sameeyo loo barakaco.

Xaafadaha laga barakaacay ayaa kala ah , Kooshin, Xaawa taako, Howlwadaagiyo  Buundaweyn waxaana Biyahha Xaafadahaas ku rogmaday ay gaaraan 2 mitir oo joog sare ah mana jirto illaa hadda gurmad loo fidiyay Qysaska danyarta ah ee ku noolaa xaafadaha Fatahaada uu ka geystay Webiga Shabeelle.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada