Xeer ilaalinta oo ajaaniibtii u badneyd u gudbisay maxkamadda G/Banaadir

Xeer ilaalinta oo ajaaniibtii u badneyd u gudbisay maxkamadda G/Banaadir

daajis.com:- Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwad ka dhan 36 edeysane oo ajaaniib ah, kuwaas oo la soo qabtay, ayaga oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya.

Raggaan ajaaniibta ah ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka badda Soomaaliya, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xeebaha dalka.

Xeer ilaalinta ayaa ajaaniibtan ku eedeysay inay ku xad-gudbeen biyaha Soomaaliya, isla-markaana, ay wadeen kalluumeysi sharci darro ah.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 36 eedeysane oo ajaaniib ah kuwaasi oo ku eedeysan kalluumeysi sharci darro ah,” ayaa lagu yiri warqad goordhaweyd kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa ka codsatay maxkamadda gobolka Banaadir in si deg deg ah loo guda-galo dhageysiga dacwaddan, si tallaabo sharci ah looga qaado ajaaniibtaasi

“Xafiisku waxa uu maxkamadda ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwaddooda, si loo guda galo maxkamadeyntooda,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray xafiisku inay ka go’an tahay ilaalinta biyaha Soomaaliya oo ay haatan xaalufin weyn ku hayaan maraakiib shisheeye.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ka go’an ilaalinta xuquuda biyaha dalkeena iyo hoygeynta sharciga cidkasta oo lagu soo qabto ku xad-gudubka biyaha Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta qaranka.


Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay iibisay kaluunka ay sida darrada ah ay ula soo baxeen ajaaniibta maanta dacwaddooda loo gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaas oo iyagana haatan wajahaya maxkamadeyn.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada