Madaxweynaha Kenya oo muddeeyay xiliga uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo muddeeyay xiliga uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa markii u horeysay fagaare ka shaaciyay xiliga uu rasmi ahaan ciidankiisa ka saarayo Soomaaliya oo ay ka howlgalayaan mudo ka badan 10 sano.

Mr. Ruto oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta xaaladda socdaalka bariga iyo geeska Afrika oo lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ah ee Kenyatta International Convention Center (KICC) ayaa carabka ku dhuftay in sanadka soo socda ee 2024 ay isaga soo bixi doonaan dalkan Soomaaliya.

Arrintaasi ayuu sabab uga dhigay fulinta qorshe lagu doonayo in ciidanka Soomaaliyeed loo madax banaaneeyo hanashada amaanka guud, maadaama ay sii dabar go’ayaan kooxda Shabaab oo dhul balaaran wax sanad ka yar loogaga qabsaday.

Related Posts
“Waxaan la shaqeyneynaa walaalaheena Soomaaliya, xitaa iyadoo la filayo in la dhimo ciidamada sanadka soo socda, waxaan wadnaa qorshe la taaban karo oo ku saabsan sida Soomaaliya ay ugu socon karto dowlad ahaan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Si kastaba, Ciidamada Kenya ayaa yimid Soomaaliya 16-kii October, 2011, xiligaas oo kooxda Shabaab ay kordhiyeen weerarada iyo afduubka ay ka geystaan dalkaasi Kenya.

Ciidamadan oo si iskood ah uga howlgalayay dalkan ayaa markii dambe si rasmi ah loogu daray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 22-kii February, 2012, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 2036-ka






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada