Imaaraadka oo duqeyntii ugu horreysay ka fuliyay Somalia

Imaaraadka oo duqeyntii ugu horreysay ka fuliyay Somalia

daajis.com:- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo Jimcihii shalay ka dhacday deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta, waana markii ugu horreysay, taas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada la duqeeyaya waxaa ka mid ah Saban-sabley oo u dhaxeeya deegaanka Cali Axmed iyo degaanka Bud-bud, halkaas oo mararka qaar lagu arko Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay arkayeen diyaarado aan weli lagu arag Soomaaliya, kuwaas oo dul heehaabaya aagga degmada Galcad iyo deegaano kale oo dhaca xadka u dhexeeya labada gobol ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Diyaaradahan ayaa saacado badan duqeynayay goobo lagu tuhmayo inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana leh Imaaraadka Carabta.

Tallaabada uu qaaday Imaaraadka Carabta ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana horay duqeymahan oo kale looga bartay Mareykanka iyo sidoo kale Turkiga oo qayb ka ahaa wajiga koowaad ee howlgallada socda.

Imaaraadka wuxuu markii hore Soomaaliya ka caawinayay dhinaca howlgallada milatariga, gaar ahaan tababarida ciidamada iyo qalab siintooda, balse hadda wuxuu billaabay duqeyn.



Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo sidoo kale duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegay dowladdu.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howl-galkan oo ahaa duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday horjoogeyaal kooxda Al-Shabaab ka tirsan, waxaana halkaas ku gaaray khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.


Dowladda ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda lagu gaarsiiyay duqeyntan, hase ahaatee waxaa la filayaa in faah-faahin dheeraad ah kasoo saarto howl-galkaan.

Bishii hore ayay aheyd markii uu Mareykanka duqeyn ka fuliyay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe, kaasi oo iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliy

 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada