Wararkii ugu dambeeyay loolanka xilkii uu iska casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed

daajis.com:- Waxaa sii xoogeysnaya loolanka ay mucaaradka iyo xukuumadda ugu jiraan xilkii uu dhawaan iska casilay Cabdirisaaq Khaliif ee guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Xasan Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in xisbul xaakimka uu doonayo in jagadaas uu qabto Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo reer Sool ah.

Afhayeen Buuni ayaa waxa uu ku eedeeyay gaar ahaan xisbiga Waddani oo iyagana olole xooggan ugu jira in Xildhibaan taabacsan loo doorto guddoomiyaha Golaha Wakiillada in uu isticmaalayo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Qorshaha mucaaradka ee xilkaan uu baneeyay Khaliif ku tilmaamay mid looga dan leeyahay in qof reer Sool ahi aanu kursiga guddoomiyaha ugaga danbayn Cabdirisaaq Khaliif oo dhawaan sheegay inuu la dareen yahay dadka deegaankiisa ee SSC, oo ay ciidamada Somaliland isku hor fadhiyaan magaalada Laascaanood.

“Iyaga (Waddani) oo aan taa hore iska bari yeelin, waxaanu ognahay maanta in ay sii wadaan fariimo uu isagii soo dirayo, oo ah bulshadii aan kasoo jeeday in aanay kursiga iiga danbayn ayuu maantana ku bixinaya juhdi, isaga oo wakiilo u yihiin kuwo halkaan nala jooga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbul xaakimka Kulmiye.

Waxa uu intaas ku sii daray “Dadka deegaanka Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ayaa kursigan matalaadisa iska leh,” isaga oo ganafka ku dhuftay in kursiga guddoomiyaha ay isku taagaan Xildhibaanada kale ee kasoo jeeda gobollada kale ee Somaliland.

Si kastaba, arrintaan ayaa banaanka usoo saaraysa qorshaha xukuumada Somaliland ee kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo kursiga guddoomiyaha la rabta Prof Faratoon, oo markii hore Mudane Khaliif kula tartamay kursiga guddoomiyaha golaha, xilligaas oo tartanka looga adkaaday.Wararkii ugu dambeeyay loolanka xilkii uu iska casilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed
 
from Caasimada Online by Guuleed Muuse
Sat Jun 17 2023 21:24:33 (1 hour)
# 1.

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysnaya loolanka ay mucaaradka iyo xukuumadda ugu jiraan xilkii uu dhawaan iska casilay Cabdirisaaq Khaliif ee guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Xasan Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in xisbul xaakimka uu doonayo in jagadaas uu qabto Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo reer Sool ah.

Afhayeen Buuni ayaa waxa uu ku eedeeyay gaar ahaan xisbiga Waddani oo iyagana olole xooggan ugu jira in Xildhibaan taabacsan loo doorto guddoomiyaha Golaha Wakiillada in uu isticmaalayo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Qorshaha mucaaradka ee xilkaan uu baneeyay Khaliif ku tilmaamay mid looga dan leeyahay in qof reer Sool ahi aanu kursiga guddoomiyaha ugaga danbayn Cabdirisaaq Khaliif oo dhawaan sheegay inuu la dareen yahay dadka deegaankiisa ee SSC, oo ay ciidamada Somaliland isku hor fadhiyaan magaalada Laascaanood.

“Iyaga (Waddani) oo aan taa hore iska bari yeelin, waxaanu ognahay maanta in ay sii wadaan fariimo uu isagii soo dirayo, oo ah bulshadii aan kasoo jeeday in aanay kursiga iiga danbayn ayuu maantana ku bixinaya juhdi, isaga oo wakiilo u yihiin kuwo halkaan nala jooga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbul xaakimka Kulmiye.

Waxa uu intaas ku sii daray “Dadka deegaanka Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ayaa kursigan matalaadisa iska leh,” isaga oo ganafka ku dhuftay in kursiga guddoomiyaha ay isku taagaan Xildhibaanada kale ee kasoo jeeda gobollada kale ee Somaliland.

Si kastaba, arrintaan ayaa banaanka usoo saaraysa qorshaha xukuumada Somaliland ee kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyada oo kursiga guddoomiyaha la rabta Prof Faratoon, oo markii hore Mudane Khaliif kula tartamay kursiga guddoomiyaha golaha, xilligaas oo tartanka looga adkaaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada