Nin baxsad ahaa oo shan gabdhood oo Soomaali ah oo ku jiray farxad ku dilay Mareykanka

Nin baxsad ahaa oo shan gabdhood oo Soomaali ah oo ku jiray farxad ku dilay Mareykanka

daajis.com:- Dhacdo aad uga argagaxeen Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa ka dhacday gobolka Minnesota , kaddib markii nin burcad ah oo ka baxsanayay booliiska uu gaari jiirsiiyay shan gabdhood oo Soomaali ah.

Sida aan wararka ku helnay gabdhahan Soomaaliyeed oo ku jiray farxada qalin-jebintooda ayaa kasoo baxay goob mall ah oo ay nasiino iyo farxad ku qaadanayeen, waxaana mar qura gabdhahaasi jiiray gaari uu soo xaday nin burcad ah oo booliiska eryanayeen.

Shanta gabdhood ee gaariga la jiirsiiyay ayaa la sheegay in saddex kamid ah walaalo ahaayeen, waxaana dhacdadan aad uga naxaya uguna murogooday eheladooda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee maqlay shilkan naxtinta leh.


“Gabdhuhu adeeg ayay ka yimaadeen marka shilbaa ku dhacay nin tuug ah oo gaari soo xaday ayaa waxaa weeye gabdhaha kormaray shantaba way dhinteen ilaahey ha u naxariisto saddex waa isku famil” ayuu yiri mid kamid ah culimada Soomaalida oo tagay goobta uu shilku ka dhacay.

Booliiska gobolka Minnesota ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan shilkan lagu dilay gabdhaha Soomaaliyeed, waxaana shilkan uu noqonaya mid kamid ah kuwii ugu naxtinta badnaa ee la kulmaan Soomaalida kunool Mareykanka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada