Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 30 Al-Shabaab ah

Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 30 Al-Shabaab ah

daajis.com:- Dowladda Federaalka ayaa sheegatay dilka in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib hawlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Taliyaha guutada 18-aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay hawlgalkan ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen maleeshiyda Al-Shabaab.

"Hawlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan," ayay qortay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidadanka xoogga dalka uu burburuiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab.

VOA si madax-bannaan uma xaqiijin sheegashada dowladda ee dilka maleeshiyada Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada