Daawo: Wasiir si shaacsan u qirtay inuu qaraabadiisa iyo ehelkiisa kaliya shaqo siinayo

Daawo: Wasiir si shaacsan u qirtay inuu qaraabadiisa iyo ehelkiisa kaliya shaqo siinayo

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si shaacsan u qirtay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo kamid ah guddiga ayaa ka dalbaday wasiirka inuu raali-gelin ka bixiyo hadalka kasoo yeeray ee ah “inuu boosaska shaqo ee wasaaradda kasoo baxa uu ku taxayo reerkiisa, gaar ahaan jufada uu metelo.”

Wasiirka Ganacsiga oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka uu ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu uga jawaabay;

“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda ku sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyn ha igu eedeyn marka tallada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah hada boos u helo waa siina, laakiin qof u dulmin maayo. Hadda bajad u helo waxaa iska fujina kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.”

Wasiir Maareeye oo hadalka ka daba qaatay wasiirka ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalkiisa, “Fursada shaqo ee dhalinyarada sugayaan kuwa ugu waaweyn ee wasiirka ah aad tahay meeshuna Media la duubayo in aad tiraahdo qaraabadeyda ayaa qorayaa.”

“In aad tiraahod qaraabadeyda qorayaa waa arrin aan rabo in guddiga hortiisa aad raali-gelin ka bixiso, si dhalinyarada Soomaaliyeed ee banaanka jooga qalbigooda u fayoobaado una ogaadan in xafiiskaaga dadka u siman yahay, koleyna dowladda siyaada ayay leedahay ay dhalinyarada Soomaaliyeed ugu xaqsoorayso shaqooyinka soo baxa inay fursad helaan.”


Xildhibaan Maareeye oo u muuqda mid fahamsan yahay fal-celinta ka dhalan karta hadalka wasiirka, ayaa haddana waxaa indhaha laga qarsan karin in wasiirka uu kor u dhahay oo keliya sida ay wax u socdaan, maadaama inta badan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ay shaqaaleysiiyaan xigtadooda.

Hoos ka daawo muuqaalka







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada