Nin hubeysan oo xaaskiisa ku dilay Beledweyne

Nin hubeysan oo xaaskiisa ku dilay Beledweyne

daajis.com:- Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo naxtin leh oo maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii nin ku hubeysan qoray uu xaaskiisa ku dilay gudaha magaaladaasi.

Dilka ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada , waxaan dadka deegaanka ay arrintan ku noqotay arrin lama filaan ah.

Mid kamid ah deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in eedeysanaha dilka geystay lagu magacaabo Cabdishakuur Daahir Magan, isla-markaana uu goobta ka baxsaday.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marxuumadda lagu magacaabi jiray Farxiyo, taas oo si weyn looga garanayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu qudbo siro ku qabay Farxiyo, balse ciddeeda oo aan ogeyn ay ku dareen nin kale, taasina ay keentay in ninka dilka geystay uu hambalyada ka arkay Facebook-ga, kadibna uu ballamiyay marxuumadda, sidaasna uu ku toogtay.

“Sida ay wax u dhaceen horta subaxdii hore ayaa xabad dhacday xilli aroor ah markii ay dadka isku soo baxeen oo aan soo wada orodnay oo aan meesha nimid gabadha uu horta falka u geystay waxay isku qabeen qudbo siro sida la sheegay dilkana wuxuu ku yimid maadaama gabadha familkeeda aysan ogeyn waxay ku dareen nin kale hambalyadeedii ayuu ka arkay Facebook-ga, kadibna wuu ballamiyay deed waxaa dhacay ficilkan oo uu ku dhuftay xabadda” ayuu yiri nin kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Gabadha waxa ay xabadda kaga dhacday madaxa, waxayna aheyd hal xabad oo kaliya”.




Falkan ayaa argagax ku reebay reer Beledweyne, waxaana sidoo kale aad looga hadal baraha internet-ka oo ay bulshada ku wada xiriirto.

Si kastaba, todobaadkan ayay aheyd markii dhacdo tan u dhow ay ka dhacday degmada Doolow, kadib markii taliyihii NISA ee degmadaas ay toogasho ku dishay xaaskiisa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada