Sawirro: Duqa Muqdisho oo baaris deg-deg ah amray kadib dhacdadii Bakaaraha

Sawirro: Duqa Muqdisho oo baaris deg-deg ah amray kadib dhacdadii Bakaaraha

daajis.com:-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale ayaa maanta kormeer ku tegay dhisme dabaqyo ah oo xalay kusoo dumay gudaha Suuqa Bakaaraha, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu soo dumay dabaq ka kooban illaa sagaal biyaano, wuxuuna ku dul dumay dabaq kale oo afar biyaano, isna wuxuu ku dul dhacay guri Fillo ah oo ay daganaayeen dad isku qoys ah oo ay soo gaartay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac.

Madaale ayaa ugu horreyn warbixin guud ka dhageystay shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta tegay, kuwaas oo uga warramay, sida ay wax u dhaceen.

Intaasi kadib guddoomiyaha gobolka faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.

Ugu yaraan waxaa goobta ku dhintay saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.

Saddexda qof ayaa kala ah hooyo iyo gabar ay dhashay oo marti ku ahaa guriga, iyo gabar kale oo isla qoyska kamid ah taas oo muddo kadib burburka laga soo saaray.

Soo dumita dhismahaan oo ahaa mid cusub ayaa loo sababeynayaa khalad uu sameeyay Injineerkii dhisay, sida uu sheegay mid kamid ah shaqaalaha gurmadka ee tegay halkaas.

“Sida maqalka naloogu sheegay waxaa la yiri guriga si khaldan ayaa loo dhisay Injineerkii dhisay oo shaqadaan lahaa qiyaamadaan ku dhisay oo sabab u ahaa in dadkaan Islaamka ah uu wax gaarsiiyo” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha kooxda gurmadka deg-degga ah.


Si kastaba, ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay degmada Shangaani.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada