Sidee Madaxda caalamku uga falceliyeen weerarka Xamaas ku qaaday gudaha Israaiil?

Sidee Madaxda caalamku uga falceliyeen weerarka Xamaas ku qaaday gudaha Israaiil?

daajis.com:-Kooxda Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa maanta ku qaaday Israa’iil weerarkii ugu weynaa muddo sanado ah.

Dhowr dal ayaa ilaa iyo imika ka hadlay xiisada iyo dagaalka ka dhex aloosan Xamaas iyo Israa’iil

Mareykanka ayaa cambaareeyay dagaalka, wuxuuna ku booriyay labada dhinac inay ka waantoobaan kala aargoosiga.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Maalmaha soo socda Wasaaradda gaashaandhigga waxay ka shaqayn doontaa sidii ay Israa’iil u heli lahayd waxa ay u baahan tahay si ay isu difaacdo, loogana ilaaliyo dadka rayidka ah rabshado iyo argagaxiso aan loo meel dayin.

“Marna ma jirto wax sabab ah oo loo qiilinayo argagixisanimada, waxaan garab taaganahay dowladda iyo shacabka Israa’iil, waxaana u tacsiyeyneynaa nolosha dadka reer Israa’iil ee ku dhimatay weerarradan,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri hadal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. .

Masar, oo inta badan dhex dhexaadisa Israel iyo mintidiinta Falastiin, ayaa labada dhinac uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda hadda taagan.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa ku baaqday in la muujiyo is-xakameynta ugu badan iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo dadka rayidka ah.

Midowga Yurub iyo dhowr waddan oo ah kuwa qaaradda Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Ergayga nabada ee Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe Tor Wennesland ayaa yiri: “Tani waa arrin halis ah, waxaana ka codsanayaa dhammaanba dhinacyada inay dib ugu soo laabtaan wadahadalka.

“Weerarkan waxa uu saameyn xun ku yeelanayaa rayidka Israa’iil, .Dadka rayidka ah waa in aysan waligood bartilmaameed u noqon.”ayuu yiri Tor Wennesland

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas ayaa sheegay in Dadka reer Falastiin ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan wax uu ugu yeeray “Argagaxisada iyo sahyuuniyada

La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa sabtidii u hambalyeeyay dagaalyahanada falastiiniyiinta, sida ay ku warantay wakaalada wararka IRNA.

“Waxaan garab istaagi doonaa dagaalyahanada Falastiin ilaa laga xoreynayo Falastiin iyo Quddus” ayuu yiri Yahya Rahim Safavi.


Telefiishanka qaranka Iran ayaa soo bandhigay xubnaha baarlamaanka oo ka kacaya kuraastii ay ku fadhiyeen iyagoo ku dhawaaqaya “Dhimasho ku socota Israa’iil”.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kanaani oo ay soo xigatay ISNA ayaa yiri: “Howlgalkan, waxaa la adeegsaday walxaha layaabka leh iyo habab kale oo la isku daray, taasoo muujineysa kalsoonida shacabka Falastiin ay ku qabaan wejiga gumeysiga”.

Raisul Wasaaraha Germany OLAF SCHOLZ ayaa isna sheegay inuu ka naxay dhacdadan “Warar argagax leh ayaa maanta naga soo gaaraya Israa’iil, aad ayaan uga naxay gantaallada laga soo riday Qaza iyo rabshadaha sii kordhaya, Jarmalku wuxuu cambaareynayaa weerarradan Xamaas, wuxuuna garab taagan yahay Israa’iil,” Scholz.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron Macron ayaa si adag u cambaareeyay weerarada. “Waxaan si buuxda u garab taaganahay dhibanayaasha, iyo qoysaskooda iyo kuwa ku dhow dhow,” ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga oo war soo saartay ayaa iyana ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha”.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay iney is difaacdo “UK waxay si aan leexleexad lahayn u cambaaraynaysaa weerarrada argagaxa leh ee Xamaas ay ku hayso rayidka Israa’iil, UK waxay mar walba taageeri doontaa xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo,” ayuu yiri Cleverly.

Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa tiri: “Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaareynayaa weerarka ay argagixisada Xamaas ku qaadeen Israa’iil, waa argagixisanimo nooceeda ugu fool xun.”

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa isna yiri: “Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaareyneynaa weerarrada Xamaas, rabshadahan argagaxa leh waa in si degdeg ah loo joojiyo”

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in dhinacyadu is xakameeyaan. “Waxaan ku baaqaynaa in la xakameeyo dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri Erdogan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa iyana sheegtay in Israa’iil oo keliya ay mas’uul ka tahay sii kordhinta rabshadaha ka socda Falastiiniyiinta, waxayna ku baaqday in labada dhinac ay muujiyaan dulqaad.

Wasiir Kuxigeenka Dibedda Ruusia Mikhail Bogdanov Bogdanov ayaa sheegay in Ruushka uu xiriir la sameynayo Israa’iil, Falastiiniyiinta iyo dalalka Carabta, isagoo ku baaqay in la xakameeyo.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “Weerar Argagaxiso” oo lagu qaaday Israa’iil, wuxuuna sheegay in xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay is difaacdo “aan laga shakiyi karin”.

Ururka Xisbullah ee ay Iran taageerto ee Lubnaan, oo cadawga weyn u ah Israa’iil, ayaa sheegtay inay xiriir toos ah la leedahay hoggaanka iska caabinta falastiiniyiinta” waxayna dhacdooyinka ku sifeeyeen “jawaab go’aan ah oo ku aaddan sii-haysashada Israa’iil iyo farriin ku socota kuwa doonaya inay xoog ku heystaan dhulka reer Falastiin.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada