War Cusub:- Danjiraha Soomaaliya u fadhida Zambia oo ka hadashay dadka la sheegya “inay Musaafurisay”

War Cusub:- Danjiraha Soomaaliya u fadhida Zambia oo ka hadashay dadka la sheegya “inay Musaafurisay”

daajis.com:- Danjiraha Soomaaliya u fadhida dalka Zambia Marwo Xaawo Maxamed Xasan ayaa beenisay inay jiraan dad ay ku lug lahayd musaafirintooda.

Marwo xaawo ayaa sheegtay in hal qof oo kaliya la musaafiriyey inta ay danjiraha ka ahayd dalkaas, kiiska muwaadinkaasna ay hadda safaaraddu gacanta ku hayso.

Waxa ay ku tilmaantay eedaymaha ay usoo jeedinayaan qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo “aan sal lahayn”.

Qoraal ay soo dhigtay barteed Facebook oo ay isku bari yeelayso ayaa sidan u qornaa:

"Eedeymo aan sal laheyn!

Waxaan dhowaan i soo gaartey eedeymo ka timid muwaadiniin Somaliyeed oo leh waxaa nalaga soo musaafuriyay wadanka Zambia, oo aniguna aan qeyb ka ahaa musaafurintoodii.

Muwaadiniintaas waqtiga laga soo musaafuriyay wadanka Zambia iyo Sababta aan u leeyahey eedeymo aan sal laheyn waa sidan hoos ku xusan:

1. Sheekh Salaad Addan Xassan _ Waxaa Zambia laga musaafuriyay 2016 kii - Aniguna waxaan Zambia imid 2020 kii

2. Yusuf Cadow Xayow – Wuxuu iskiisa Zambia uga tagey inta u dhaxeysey 2010 -2012 - Aniguna waxaan Zambia imid 2020 kii –

*ka dib 2020 ayuu ku soo noqdey Zambia, si uu Baasaboor u cusbooneysiisto iyo dano kale oo isaga u qaas ahaa, ka dibna wuxuu ku noqdey wadanka Congo oo uu markiisii horeba deganaa.

3.Hassan Sangaab Xaayow – Waxaa wadanka laga musaafuriyay 24tii March 2023 – Maadaama uu ka “Tanaasuley” baasaboorka Somaliga si uu u qaato dhalashada Tanzania– Aniga mana musaafurin karo, mana ogaan karo sababta loo musaafuriyay.

*Dacwadiisa waxaa ku shaqo leh Safaaradda wadanka uu dhalashada ka heysto*

4. Guutale Ahmed Cabdalla 22-09 2023– waa muwaadinka kaliya, ee dhalashada Somaliga ku degenaa Wadanka Zambia ee la Musaafuriyay inta aan aniga joogo Zambia. Kiiska dacwadiisana Safaarada ayaa hada gacanta ku heysa"







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada