Aqriso:- War Saxaafadeed ka Soo Baxey Kulankii Golaha Wasiirrada.

Aqriso:- War Saxaafadeed ka Soo Baxey Kulankii Golaha Wasiirrada.

daajis.com:- Golaha Wasiirrada ayaa maanta fariistay, iyada oo uu shir Guddoominayo Ra'iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh. Waxay ka hadleen wax kale oo kasta, marka laga reebo waxa uu Guddoomiyuha Baarlamaanku uu shalay ugu yeeray "ra'yi kala duwanaanta maalmahaan soo if baxday"
Warka hoosta ku qoran wuxuu ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

*********************************************************

Golaha Wasiirrada oo ka dooday qorshayaal kor loogu qaadayo Miisaaniyadda dowladda.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Kulanka oo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada ay soo xaadireen ayaa looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka, Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo warbixinno laga dhageystay.
Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in gacanta lagu dhigay sagaal horjooge oo Shabaab ka tirsan iyo Gaadiid ay u adeegsan jireen dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku aadan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, waxana ay sheegtay Wasaaraddu in ay diyaarisay qorshe kor loogu qaadayo sanadka 2015 Miisaaniyadda dowladda ku shaqayn doonto.
"Wasaaradda Maaliyaddu waxay diyaarisay qorshe ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa Miisaaniyadda dowladda, qorshahan waxaa qeyb ka noqon doona sida ugu habboon ee dakhliga gudaha iyo kaalmada dibedda dowladdu ay ka hesho kor loogu qaadi lahaa." ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.Ugu danbeyn, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna soo bandhigay shaqadiisa iyo sida ugu habboon ee Xukuumadda iyo Hanti-dhowrku isula jaanqaadi karaan.
Xukuumadda Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa wada qorshayaal sal-ballaaran oo kor loogu qaadayo howlaha adag ee horyaala Xukuumadda iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada