Daawo Sawiro Cusub : Weerarkii lagu qaaday Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Daawo Sawiro Cusub : Weerarkii lagu qaaday Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo galabta lagu qaaday Hotelka Jaziira oo kuyaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday Gaari nuuca xamuulka qaado ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo biro aad u badan, waxaana lala beegsaday gaarigaasi qeyb kamid ah dhismaha hotelka Jaziira oo kamid ahaa hoteelada sida weyn amaankooda loo adkeeyo.


In kabadan 10 qof oo u badan dad shacab ah ayaa ku geeriyootay Weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Hotelka Jaziira , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad badan oo shacab u badan kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka.


Burbur xoogan ayaa dhulka dhigay qeybo kamid ah dhismaha Hoteelka waxa uuna weerarkaasi Khasaaro xoogan kasoo gaaray Ilaalada Hoteelka, Qaar kamid ahaa macaamiisha Hoteelka oo ku qaxweynaayay barxada sare ee Hoteelka iyo weliba dad shacab ahaa oo maraayay wadada Hoteelka hor marta kuwaasi oo xiligaasi usii hoyaadaayay aqaladooda.

Mid kamid ah Goobjoogayaashii Hoteelka ku sugnaa ayaa yiri "Qarax weyn ayaa lala beegsaday Hoteelka Jaziira, kaasoo dhismaha oo dan burbur xoogan u geystay; waxaana ku dhintay dad badan oo isugu jiray dadkii Hoteelka deggenaa iyo laba wiil oo Mooto watay, kuwaasoo weli ay maydadkoodu yaallaan meelihii ay ku dhinteen,"

Sidoo kale, War ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay iyadu mas'uul ka ahayd Weerarkan, iyagoo ku xusay warkooda in weerarkan uu aargudasho u yahay dad shacab ah oo ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Somalia.

Hotel Jaziira ee weerarka Ismiidaaminta ah lagu qaaday waxaa deggenaa safiiro Muqdisho ay kamid ahaayeen Safiirada Imaaraadka Carabta , Qatar iyo Shiinaha , waxaa kaloo deggenaa dublamaasiyiin caalami ah iyo weliba dad kala duwan oo Soomaali iyo Ajnabi ah.


Xigasho:- Allbanaadir











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada