Qiso Diini Ah Aadna Cajiib U Ah Oo Dhexmartay Wiil Muslim Ah Iyo Aabihiis Oo Gaal Ahaa..

Qiso Diini Ah Aadna Cajiib U Ah Oo Dhexmartay Wiil Muslim Ah Iyo Aabihiis Oo Gaal Ahaa..

daajis.com:-  Sheekooyinka iyo Dhacdooyinka Dunida daafaheeda ka dhex dhaca Maalin kasta waa kuwa waayo aragnimo laga dhaxlo iyadoona noqda kuwa wax tar uleh dhegta maqleysa waano iyo warba ka faa’ida.

Hadaba Sheeko Layaab badan oo ka dhacday Dal kamid ah dalalka aysan Muslimiintu ku badneen ayaa na cajiib galisay Kobciye.com ahaan waxaana jecleysanay inaan usoo bandhigno Akhristayaasha sida weyn ugu xiran Shabakadan.

Wiil iyo Aabihiisa oo Gaal iyo Muslim kala ah ayaa aabihii oo aan heysanin Diinta islamka wiilkiisa ku yiri , Aabo waqti walbo Salaadan aad tukato waa imisa Maalintii , kolkaas ayuu ku jawaabay wiilkii Shan waqti waaye aabo oo dhib malahane maad iska soo islaamtid ayuu aabihiis sii weeydiiyay.

Aabihii ayaa ku jawaabay Maalin kasta waad tukataa Salaadahan soo ma’aysan soo noqonayaan salaad walbo xiliga beri xigta oo kale , Duhur walbo waqtigaan oo kale waad tukataa berina way imaanaysaaye soo iskama dhaafi kartid.

Wiilkii ayaa si xikmadeysan uga jawaabay wuxuuna yiri aabo , Maalin kasta Duhurkii iyo Habeenkii waqtiyo siman ayaad Cuntada cuntaa , waxaad joogteeysaa cabista biyaha , Bal kawaran Maanta hadii aad iska deyso ood beri ka dhigato Cuntada.


Aabihii dhalay wiilka ayaa durbaba dareemay xikmada uu wiilkiisa ku hadlay wuxuuna ugu Jawaabay Aabo waa sax la iskama dhaafi karo Cuntada waayo masii noolaan karno hadii aanan biyo iyo Cuntada ku dadaalin.

Wiilkii oo aad u faraxsan ayaa ku jawaabay Salaada iyo Adkaaraha hadii aan iska daayo sidaas ayeey nolosheydu noqoneysaa , Allihii cuntadaan iyo Biyahaan si nabad kugu siiyey haku caasinin ayuu wiilkii aabihiis ku yiri.

Nasiib wanaag Hanuunka Alle ayaa iska leh waxaa suurta gashay in Odaygii uu sidaas kusoo Muslimo , Waxaana Sheekadan laga qoray Buug aad u weyn Iyadoona faah faahsan waan isku dayi doonaa inaan soo banhdigno haduu EEBE idmo..


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada