Haweeneyda u Sharaxan Xilka Madaxweyne ee Dalka oo Sheegatay in War Qalad ah Laga Faafiyay (VIDEO)

Haweeneyda u Sharaxan Xilka Madaxweyne ee Dalka oo Sheegatay in War Qalad ah Laga Faafiyay (VIDEO)

daajis.com:- Haweeneyda Faadumo Qaasim Dayib oo ah musharax  u taagan Xilka Madaxwaynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan weli ka Harin Doorashada madaxweynenimo ee dalka, oo Jaraa’idka Washington Post uu si qalad ah u fasiray waraysigeedii.

Waxauyna Tiri “Dagaalku waa uu socdaa, Kamana harin Doorashada, kama Aamusi doono Xaalada ka jirta Soomaaliya Runta ayaan sheegi doonaa, Waxaa Afkayga kasoo baxay qaylo aan ka cabaaday fool-xumada dalka ka jirta”.


Faadumo ayaa marka hore Muuqaalkeeda ku Bilaabaysa Luuqada Ingariiska, kadibna u gudbaysa luuqadda Af-Soomaaliga.

Waxana ay sheegtay in dalka Soomaaliya ay kusoo aragtay saxafiyiin calool u shaqaystayaal ah, sidoo kalana waxay sheegtay inay adag tahay in lala Tar-tamo madaxwaynaha Soomaaliya, isagoo adeegsanaya awoodii Dowladda. sheegtayna in taasi ay ka dhigan tahay in iyadoo labada Gacmood lagaa xiray oo laguna yiri dagaal gal, Waxa ayna Xustay inay laba Xafiis furan doonto iyadoo midi Muqdisho ay ka furan doonto kan kalana magaalada Nairobi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada