Basaboorka Soomaaliya oo wadamo Horleh lagu tagi karo asagoo ka awood batay Baasaboorada dalalka Jabuuti iyo Itoobiya (Akhriso Sababta)

Basaboorka Soomaaliya oo wadamo Horleh lagu tagi karo asagoo ka awood batay Baasaboorada dalalka Jabuuti iyo Itoobiya (Akhriso Sababta)

daajis.com:- Qiimeyn dhanka awoodda baasaboorrada waddama dunida ah oo dhowaan lasameeyay ayaa lagu ogaaday in baasaboorka Soomaaliga uu leeyhaya ixtiraam ka badan baasaboorrada wadama Ethiopia, Djibouti, Ciraaq, Afghanistan iyo lix dal oo kale.

Soomaaliya iyo Eritrea oo jaantuskaan meel fiican kaga jira, marka la eego dhibaatooyinka dhaqaale iyo dagaallada ay kasoo kabsaneyso Soomaaliya ayaa waxaa baasabooradooda lagu booqan karaa si visa la’aan ah ama visaha garoonka laga siiyaa ilaa 39 dal.

Qiimeynta ayaa waxaa lagu saleeyay tirade waddamada ay muwaadiniinta baarabooradaasi sita ay booqan karaan iyaga oo aan dal-ku-gal sidan, ama ay visa-ha ka heli karaan gegida diyaaradaha.
Arrinkaan ayaa xiriir laleh dhaqdhaqaaqa dhanka dublamaasiyadda ee dowladaha, dhaqaalaha waddamada, ama hodontinimada muwaadiniintooda iyo awoodda dhanka siyaasadda ah oo ay waddamdu ku kala horeeyaan.



Warbixin ay soo saartay shirkadda Arton Capital oo ka shaqeysa in ay baasaboorro wadamo kale usoo saarto dadka hodonka ah iyada oo u mareysa barnaamijyo gaar ah oo loogu talagay mal-gashadaayasha waaweyn ayaa sheegtay in Baasaboorrada Mareykanka iyo UK ay yihiin kuwa ugu awoodda badan dunida iyadoo logu safri karo 147 dal.
Meeqa wadan Ayaad ku Tagi Kartaa Baasaborka Somaaliya
Dalalka aad ku tegi kartid Visa la’aan:
1-Anguilla
2-Dominica
3-Micronesia
4-Haiti
5-Malaysia
6-Niue
7-Philippines
8-Saint Vincent
9-The Grenadines.
Dalalka Visaha kugu siinaya garoonka dhexdiisa.
1-Bangladesh
2-Burkina Faso
3-Mali
4-Cook Islands
5-Cape Verde
6-Djibouti
7-Georgia
8-Guinea-Bissau
9-Guyana
10-Cambodia
11-Comoros
12-Saint Kitts and Nevis
13-Lebanon
14-Sri Lanka
15-Madagascar
16-Macau-(waa maamul goboleed ka tirsan Shiinaha sida Hong Kong).
17-Mauritania
18-Maldives
19-Mozambique
20-North Cyprus-(Wadankan dunidu ma aqoonsana marka laga reebo Turkiga).
21-Palau
22-Rwanda
23-Seychelles
24-Togo
25-East Timor
26-Tuvalu
27-Uganda
28-Samoa

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in baasaboorrada waddamada: South Sudan, Solomon Islands, Palestinian Territories, Sao Tome and Principe iyo Myanmar ay yihiin kuwa ugu liita marka dhanka safarka laga hadlaayo oo ay booqan karaan kaliya 28 dal.
Waddamada : Nepal, Afghanistan, Djibouti, Iraq, Ethiopia oo ay Soomaali badani ku safraan ayaa iyagana meel hoose kaga jira qiimeynta oo waxa ay booqan karaan 38 dal.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sandkii 2014, waxa ay yareeysay safaaradaheeda ku kala yaalla qaaradaha Asia, Afrika iyo Yurub, sababo la xiriira dhanka kharashaadka ku baxaya safaradahaan oo ay dowladdu awoodi wayesan, waana arrin sababi kara in uu hoos u dhaco matilitaan dublamaasiyadeed ee jamhuuriyadda.
Dhanka hoose ka aqri jaantuska :
U.S., U.K. (147 Waddan ayaa si fudud loogu safri karaa)
France, South Korea, Germany (145 Waddan)
Sweden, Italy (144 Waddan)
Denmark, Singapore, Finland, Japan, Luxembourg, Netherlands (143 Waddan)
Switzerland (142 Waddan)
Congo (Dem. Rep.), Yemen, Central African Republic, Kosovo (41 waddan)
Somalia, Solomon Islands,, Sao Tome and Principe, Myanmar (28 waddan).
Afghanistan, Djibouti, Iraq, Ethiopia, Nepal (26 waddan)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada