Daawo Sawirro: Meydka Haweeneydii ugu horeesay Muslim ah oo Garsoore ka noqotey Mareykanka oo Wabi laga helay…

Daawo Sawirro: Meydka Haweeneydii ugu horeesay Muslim ah oo Garsoore ka noqotey Mareykanka oo Wabi laga helay…

daajis.com:- Haweeneydii ugu horeesay oo Muslim ah kana mid noqota garsoorayaasha sare ee dalka Mareykanka ayaa meydkeeda laga helay Webiga lagu magacaabo Hudson ee dhex mara magaaladda New York.

Sheila Abdus-Salaam oo 65-sano jir aheed ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo Muslim ah oo garsoore ka noqota dalka Mareykanka, waxa ayna Haweeneyda garsoore ka aheed Maxkamad kutaala magaalada New York.

Ciidamada booliiska ayaa lagu war galiyay in meydka haweeneydan uu dul sabeenayo wabiga Hudson, waxa ayna ciidamada booliiska halkaasi kasoo qaadeyn meydka haweeneydan kamid aheed garsoorayaasha Mareykanka.

War kasoo baxay booliiska magaalada New York ayaa lagu sheegay in meydka Garsoore Sheila Abdus-Salaam uusan ka muuqan wax dhaawacyo ah, waxa ayna wadaan ciidamada booliiska baaritaano ku aadan sababta keentay geerideeda.

Seyga Haweeneydan meydkeeda la helay oo lagu magacabao Gregory Jacobs ayaa Warbaahinta u sheegay in ay la’aayeen tan iyo talaadadii, waxa uuna tilmaamay in lagu soo war galiyay in meydkeeda laga helay wabiga Hudson.
Sheila Abdus-Salaam ayaa noqotay Haweeneydii ugu horeysay ee Muslim madow ah oo loo magacaabo in garsoore noqoto, waxay Garsoore ka aheed Maxkamadda Sare ee Manhattan muddo 14-sanno.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada