Madaxweyne Trump oo ku Hanjebay inay Talaabo ka Qaadayaan Kuuriyada Waqooyi (VIDEO)

Madaxweyne Trump oo ku Hanjebay inay Talaabo ka Qaadayaan Kuuriyada Waqooyi (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in dalka Mareykanka oo keliya uu u diyaar garoobi doono sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa khatarta nukliyeerka ee kaga imaan karta dalka Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweyme Trump oo wareysi siiyay wargeyska The Financial Times ayaa laga soo xigtay isagoo leh in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo.


Tijaabadii nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ee dhawaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, kahor kullanka toddobadkan lagu wado inuu ka dhaco dalka Maraykanka.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa isna waxa uu dhankiisa sheegay in siyaasadii reer galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul dareysatay 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horaantii sannadkii hore ayay aheyd markii golaha amnaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada jir ah u cambaareeyeen dowladda Kuuriyada Waqooyi oo xiligaasi tijaabisay gantaallada riddada dheer.

Waxaana xukuumadda Pyongyang oo dhowr jeer tijaabisay gantaalo nukliyeer ahi, waxayna sheegtay inay iminka haysato Gantaalo ay isku difaaci karto, hadii uu Maraykanka soo weeraro.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada