Muuqaal: Ciidamo Kumaan-doos ah oo Tababar Loo soo Xidhay, oo Dhoolatus Cajiib ah kusoo Bandhigay MUQDISHO

Muuqaal: Ciidamo Kumaan-doos ah oo Tababar Loo soo Xidhay, oo Dhoolatus Cajiib ah kusoo Bandhigay MUQDISHO

daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdi Rashid C/laahi Maxamed ayaa maanta tababar usoo xiray Ciidan isugu jira Kumaandoos iyo Milatari oo Dowlada Imaaraatka Carabta ku taba bartay magaalada Muqdisho


Munaasabada Tababarka loogu soo xiray Ciidankan cusub ayaa lagu qabtay xerada ay Ciidamada ku tababaraan dowlada Imaaraatka ee kutaala Agagaarka Kuliyadii hore Jaalle Siyaad , waxaana munaasabada ka qeyb galay Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo xubno kasocday Dowlada Imaaraatka.

Ciidamada Kumaandooska ee tababarka loo soo xirayay ayaa munaasbada kusoo bandhigay dhoolo tusyo cajiib ah ay la dhaceen masuuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugneed, waxa ayna ciidamada muujiyeen awooda ay leeyihiin.
Qaar kamid ah ciidamadii tababArka loo soo xiray oo kaalmaha hore ka galay tababarka ayaa la gudoonsiiyay abaal marino, waxaana ciidankan ay ahaayeen kuwa u badan dhalinyaro aan qaarkood laheyn wax balwad ah muuqaal ahaana jirkoodu uu dhisnaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada