Turkiga oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday malaayiin dollar lagu kabayo Miisaaniyadda dalka

Turkiga oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday malaayiin dollar lagu kabayo Miisaaniyadda dalka

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya lacag gaareysa 8-milyan oo dollar, taasoo lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda.

War lagu qoray Bogga Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Turkigu uu dowladda Federaalka ku wareejiyay lacag dhan 8-milyan oo dollar, taasoo kab ugu noqoneysa miisaaniyadda.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya Danjire Olgan Bekir iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo ku kulmay Xarunta Safaaradda Turkiga ayaa saxiixay lacagta Miisaaniyadda ee lagu wareejiyay dowladda Federaalka.

Lacagtan loogu deeqay ayaa ah miisaaniyada shan bilood ah oo dowladda Federaalka lagu wareejiyay, waxaana lagu shubay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo maamulka iyo maareynta Maaliyadda dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa looga mahad celiyay dowladda Turkiga oo ka dhabeysay balanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyadda dowladda Federaalka
“Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si shacabka ugu sheegto dowladda Federaalka xaqiiqda dhabta ah ee maaliyadda ay ku dhawaaqayaan in lacagta Turkiga ugu deeay ay soo gaartay, loogula xisaabtamo.

“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Turkiga ayaa ahaa taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya ka saacido, arrimo badan, waxaana uu horay u kabi jiray miisaaniyadda dowladda Federaalka, iyadoo bil walba bixin jiray 2-milyan oo dollar, inkastoo aysan dowladdii hore si waadix ah uga hadli jirin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada