Daawo yaabka: Wasiir ka tirsan S.land ” Shirka London Nama Quseeyo, Somalia Cunaqabataynta yaan La qaadin, Hadii dhaqaale soo baxo Somali ayaan nahay

Daawo yaabka: Wasiir ka tirsan S.land ” Shirka London Nama Quseeyo, Somalia Cunaqabataynta yaan La qaadin, Hadii dhaqaale soo baxo Somali ayaan nahay

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay Idaacada BBC ayaa ayaa Marka Hore wuxuu sheegay Inaanu Qusayn Shirka Looga hadlayo Arimaha Soomaaliya ee lagu Qabanayo magaalada London.


Hadana Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu codsaday inaan Shirka London Cunaqabataynta Hubka Looga  Qaadin  Soomaaliya, Hada Xasuuso waa Midkii uu dhahay Arimaheedu Nama Quseeyaan !

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha dhismaha ciidamada Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay in xilligan ciidamo laga qoro Qaybo kamid ah gobolada Waqooyi, Sida Buuhoodle oo uu xusay in gacanta ugu jirin maamulkooda.

Ugu Danbayntii ayaa Sacad  Wuxuu ku sheegay inay Soomaali yihiin, oo Hadii Dhaqaalle kasoo baxo Shirka ay Qaybtooda Rabaan wixii lagu Helay magaca Soomaaliya. !

Shirka London ayaa lagu wadaa inuu furmo 11-ka bishan, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada