Ciidamo Kenyan ah oo Lagu Weeraray Magaalada Lamu ee Dalka Kenya (VIDEO)

Ciidamo Kenyan ah oo Lagu Weeraray Magaalada Lamu ee Dalka Kenya (VIDEO)

daajis.com:-Qarax aad u xoogan oo ay dad badani ku dhinteen ayaa shalay galab ka dhacay dalka Kenya, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan afar carruur ah oo la sheegay inay arday ahaayeen.

Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska, oo ka soo dhaqaaqay Bariga Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta.



Gaarigan militeriga oo jidka ka soo qaaday arday ayaa waxaa la sheegay in qaraxu uu ku haleelay inta u dhaxeyso Deegaanada Mararani iyo Kiunga, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhimatay sideed qof oo afar ka mida ay arday tahay.

Ardayda ayaa ahayd arday dhiganeysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kiunga, waxayna ka soo laabatay fasaxa Ciidul Fitriga oo qoysaskoody ay kula qaadanayen Degmada Lamu, Xilligii uu qaraxu haleelayay waxay ku sii jeedeen iskuulkii ay dhiganayeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada