DAAWO: Ardayda kasoo jeeda Puntland Ee Ku Sugan Pakistan oo Eedayn kulul Usoo jeediyey Xaaska C.kariim Guuleed

DAAWO: Ardayda kasoo jeeda Puntland Ee Ku Sugan Pakistan oo Eedayn kulul Usoo jeediyey Xaaska C.kariim Guuleed

daajis.com:- Ardayda kasoo jeeda deeganada Puntland ee ku sugan Waddanka Pakistan ayaa ka cabanaya Safiirka Safaaradda Somalia ee dalkaas Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi, oo ah Xaaska Madaxwaynihii Hore ee Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed

Qaar kamid ah Ardayda waddankaas u joogta waxbarashada oo la hadlay Idaacada Garoowe, ayaa sheegay inay la kulmaan Xarig, Hanjabaad iyo Haybsooc.

Mid kamid ah Ardayda oo lagu magacaabo Cabdikariim Xuseen Maxamed, ayaa sheegay inay soo wajahdsay xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, Xuseen oo ku sugan Magaalada Islamabad, ayaa tilmaamay in lagusoo rogay lacago dheeri ah iyo daahinta fiisayaasha dalkaas, taasoo uu xusay inay ka simanyihiin Ardayda Somalia, halka kuwa Puntland u dheertahay haybsoon ku aadan in il gooni ah lagu eego.


Wuxuu sheegay inay dhowr jeer u tageen safiir Almakhzoumi, balse jawaabtu noqotay in la xiro wakiilkii ay dirsadeen, Ardaygan ayaa intaas ku daray in cabashadooda u gudbiyeen dowladda Pakistan, balse lagu wargaliyay in dhibaatadan wax ka qabato dowladda Somalia.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu cadeeyay inay qoraalo u direen Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha isagoo ka codsaday in arrintaas wax laga qabto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada