Dad isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali oo Laga soo Bad baadiyay Hotel POSH iyo RW Khayre oo ka hadlay qaraxa (Video)

Dad isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali oo Laga soo Bad baadiyay Hotel POSH iyo RW Khayre oo ka hadlay qaraxa (Video)

daajis.com:-  Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow dad isugu jira ajaaniib iyo Soomaali ka soo bad baaday Maqaayad Posh Treats oo caawa fiidkii Qarax ka dhacay agagaarkeeda  Iyadoo dadka la soo bad baadiyay ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Kenyan oo shaqaale ka ahaa Maqaayada Posh Treats.

Sidoo kale waxaa la soo bad baadiyay dad kale oo ahaa dadkii maqaayada ka cunteynayay, waxaana markii hore jiray xaalad hubaal la’aan.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa oo bartilmaameedkiisa la sheegay inuu ahaa maqaayada Posh, hase ahaatee waxaa muuqata in qaraxyada ay si isku mid u saameeyeen labada Maqaayadood ee Pizza House iyo Posh Treats.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan Lix ruux ay ku dhinteen Qaraxa, isla markaana ay jiri karaan in khasaaraha intaan ka badan karo.


Ra’iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay Qaraxa ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka soomaaliyeed ee Hotelka ku jiray. “ Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idiinka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad soomaaliyeed ay wax ku noqdeen” ayuu yirin Xasan Cali Khayre.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada