Deegaanka Abal oo lala Wareegay iyo Faah faahin laga helayo is-dhiibista Abuu Mansuur

Deegaanka Abal oo lala Wareegay iyo Faah faahin laga helayo is-dhiibista Abuu Mansuur

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheeghaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen Degaanka Abal oo qiyaas ahaan 18 Km u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Degaankan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku dagaalamayay Xoogaga Xarakada Al Shabaab iyo Dagaal yahano kale oo taabacsan Sheekh Mukhtaar Rooboow.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Maxamed Xuseen Xasan Eelaay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay la wareegeen Degaanka Abal.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay taageero u fidiyeen Ciidamada Rooboow, waxaana intaasi uu raaciyay in haatan saanad militari siiyeen Ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Mukhtaar.
Ugu danbeyn mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya iney soo dhaweynayaan Wadaadka Sheikh Muqtaar oo isku soo dhiibay,islamarkaana gacanta ay u gelin doonaan Dowladda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada