Wasiirkii buuxiyey booski Cabaas Siraaje oo la dhaariyey

Wasiirkii buuxiyey booski Cabaas Siraaje oo la dhaariyey

daajis.com:- Kulanka tobanaad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn waxaa lagu dhaariyay Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo bedelay AUN Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Cabdi Sheekh Siraaji oo dhawaan geeriyooday, waxaana kulanka shir guddoominaya Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’.


Kulanka oo uu ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa waxa uu ejendaha kulanka ahaa sii wadida kulankii sagaalaad ee 17-kii bishan Agoosto uu guddiga yeeshay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

“Waxaa dhacay shir looga hadlayay qorshe howleedka golaha, waxaana looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha ay guddiyada qabanayaan, afar guddi unbaa dhiman, inta kale waa la dhameeyay, waxaana la isla soo hadal qaaday waqtiga afarta guddi ay isu imaan lahaayeen” ayuu yiri Cabdixakiin Xaaji Buux.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada