Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Madaxwaynaha Cusub ee Hirshabeelle

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Madaxwaynaha Cusub ee Hirshabeelle

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare oo shalay xilkan loo doortay, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.


War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu bogaadiyay hannaankii ay u qabsoontay doorashadii Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba galinta iyo hanaqaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

“Waxaan Alle uga baryayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dardargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada