MUUQAAL: Turkiga oo Soomaaliya ku wareejinaya Hub casri ah iyo Heshiis dhanka Dufaaca ah oo dhexmaray

MUUQAAL: Turkiga oo Soomaaliya ku wareejinaya Hub casri ah iyo Heshiis dhanka Dufaaca ah oo dhexmaray

daajis.com:-  Dowlada Turkey ayaa xoojisay taageerada ay siineyso dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Turkey oo gacanta ku haya ilaha dhaqaalaha Muqdisho ayaa dhawaan waxaa uu saldhigii ugu weynaa ka furtay magaalada Muqdisho, halkaas oo la filayo in lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.


Sidoo kale, Turkey ayaa sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, waxaana arintaas ay jawaab uga bixiyeen hub ay siiyeen dowlada SOomaaliya.

Hubkan oo ubadan qoryaha dagaalka ayaa ay dowlada Turkey sheegtay in lagu qalabeynayo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Inkastoo Soomaaliya ay saaran tahay cunaqabateynta hubka, hadana Turkey ayaa arka in ciidamada amaanka ay ubaahan yihiin hub ay amaanka ku xaqiijiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada