Afhayeenka Ururka Al shabaab oo ku han jabay in ay Puntland ka taagi doonaan Calankooda

Afhayeenka Ururka Al shabaab oo ku han jabay in ay Puntland ka taagi doonaan Calankooda

Afhayeenka ururka Al-shabaab,  Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa waxa uu daaha karogay in kooxdoodu ay markaan u soo jeesatay oo ay xoogga saartay in ay meesha ka saaraan Maamulka Puntiland.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay sidoo kale in dhawaan ay qabsan doonaan deeganada Puntland sidoo kalena laga dejin doono calanka Puntland calanka raayada towxiidkana laga taagi doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cali Dheere ayaa intaa raaciyay in waayahaan ay kawadeen deegaanno kamid ah Puntiland dagaalo ay guula kagaareen oo ay bilaaw u ahaa xidida usiibidda Waxa uu ugu yeeray maamul daba dhilif u ah mareykanka iyo Xabashida oo uu Ethiopia kawado.

Hadaka Afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya xilli Duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ay kabilaawdeen weerarro Shabaabku ay sheegteen.

Al-shabaab ayaa waayihii danbe waxa ay saldhigyadii ugu waaweynaa kaameysanayeen Buuraleyda Galgala oo kamid ah goobaha Puntiland ay ka arimiso.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada