Daawo Sawirada''Haween Soomaaliyeed oo soo bandhigay Cududooda Ciidan Diyaarna u ah Difaacada Dalkooda Hooyo.

Daawo Sawirada''Haween Soomaaliyeed oo soo bandhigay Cududooda Ciidan Diyaarna u ah Difaacada Dalkooda Hooyo.

Qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa ku dhiiray in Xiligan Adag uu dalku kujiro ay ku biiraan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si ay qeyb uga noqdaan Difaacada Dalka iyo soo celinta Sharaftii dhuntay ee Soomaali laheed.


Ciidamada kala duwan ee Dowlada waxaa hada qeyb weyn ka ah Haween aad u badan kuwaa oo u shaqeenaya qaranka waxaana u badan Haweenka kamidka ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo iyagu shaqeeya Habeen iyo Maalin.

Haweenkan ayaana dhawaan soo bandhigay Cududooda Ciidan iyo dhoolo tus iyagoona shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin difaaca Dalka iyo Diinta iyo soo celinta sharaftii uu waayo lahaa Ciidanka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale jira Haween badan oo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed oo iyana habeen iyo maalin usoo jeeda Difaaca Dadkooda iyo Jiritaanka Dowlada Soomaaliya jiidaha hore ee dagaaladana kusugan iyo Haween iyana katirsan Nabad Sugida oo ku hoolan kahor tagida cadowga naafeenaya Shacabka Soomaaliyeed.

Tan iyo bur burkii Dowladii dhaxe waxii ka dambeeyay Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhiiranaya in ay ciidan noqdaan hasa ahaatee hada waxaa muuqanaya isbadal la taaban karo ,Waxaana Ciidamda kala duwan ee Dowlada kujira Haween darajooyin kala duwan leh oo daacad u ah u adeegida Dalkooda iyo Dadkooda.





 
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada