Gabar yar oo 13 sano jir oo ku nool magaalada Boorame oo ka yaabsatey dadka ku nool magaaladaasi(Daawo Dhacdada Yaabka Badan ee Dhacday).

Gabar yar oo 13 sano jir oo ku nool magaalada Boorame oo ka yaabsatey dadka ku nool magaaladaasi(Daawo Dhacdada Yaabka Badan ee Dhacday).

dhacdo
Gabar yar oo 13 sano jir oo ku nool magaalada Boorame ayaa waxaa la sheegay inay ka yaabsatey dadka ku nool magaaladaas, islamarkaana ay gabadhaasi noqotey hadal heynta ugu badan ee dadka iyo saxaafada magaaladaas ka dib markii ay gabadhaas ay qortey buug ka kooban boqolaal beej oo ku qoran luqada afka carabiga.

Daawo Muuqaal ahaan Dhacdada Dhacday

Gabadhaan yar oo lagu magacaabo Marwo Xaamud Ibraahim oo 13 sano jir ah ayaa waxay ka yaabsatey aqoonteeda iyo maskaxda wanaagsan ee uu ilaahay ku maneystey dhamaan dadka reer Boorama ka dib markii ay gabadhaasi yar soo bandhigtey buug ka kooban ilaa iyo dhowr boqol oo beej kuna qoran afka carabiga arintaas oo yaab ku noqtey dadka ku nool magaaladaas Boorama, Kulan lagu soo bandhigay buugaas ay qortey gabadhaas oo ay ka hadashay gabadhaasi ayaa waxay ku sheegtay inay waligeed ku fakari jirtey inay noqoto qof qoraa sare ah oo dunida oo dhana laga yaqaano arintaasna ay rajeynayso inay mar un ay gaarto.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadka ku dhqaqn magaalada Boorama ay la yaab ku noqtey maskaxda iyo caqliga sare ee ay gabadhaasi yar leedahay ayaa sidoo kale waxay gabadhaasi ay ka cabatey inay ka wel wel saneyd cidii ka caawin lahayd soo saarida buugeeda laakiinse bay tiri uu ilaah u fududeeyey markii dambe, ka soo qeyb galayaashii kulankaas ayaa waxay dadka Soomaaliyeed u soo bandhigeen in laga caawiyo soo saarida iyo daabacaada buugaagta ay qorto mustaqbalka gabadhaas yar oo sida muuqatana aysan da'adeeda iyo wax qabadkeedu aysan is lahayn marka la is bar bardhigo.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada