Shir looga arinsanayo midowga maamulada G.dhexe oo ka furmay Koonfurta Gaalkacyo.

Shir looga arinsanayo midowga maamulada G.dhexe oo ka furmay Koonfurta Gaalkacyo.

Gaalkacyo
Waxaa ka furmay magaalada Gaalkacyo dhinaca maamulka Gal-mudug shir u dhaxeeya xubno katirsan maamulada Ahlu-sunah waljameeca iyo maamulka Gal-mudug.

shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya xubno uu hogaaminayo dhinaca Ahlu-sunah Sheekh Ibraahim Xassan Guureeye halka Galmudug ay u joogaan madaxwaynaha Gal-mudug C/qaybdiid oo ay wehliyaan wasiiro.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Baasto ayaa warbaahinta u sharaxay kulamada waxa looga arinsanayo.

Waxaa uu sheegay siweyn diiradda in loogu saarayo sidii loo midayn lahaa maamulada kale duwan ee ka arimiya gobolada dhexe Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan ayna unoqon lahaayeen maamul goboleedka dhamaystiran.

Gal-mudug ayaa maamusha qaybo ka mid ah magalaada Gaalkacyo iyo deegaano ku teedsan koonfurta gobolka Mudug, marka la eego shuruudaha maamul goboleed ee u dagsan dowladda faderaalka ayaa dhigaya maamul goboleed inuu noqon karo laba gobol iyo wixii ka badan.

Hase ahaatee Ahlu-sunah iyo Galmudug waxaa ay door firfircoon sida Puntland uga qaybqaateen heshiisyadii Roadmapka ee dalka looga saaray nidaamka KMG iyo dajinta dastuurka cusub ee dalku yeeshay.

Waxaa la isweydiinayaan qaabka heshiis uu dhexmaro dhinacyada ka arimiyada gobolada dhexe oo mudo dheer khilaafaadyo kale duwani ay soo mareen.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada