Demba Ba' Oo Daaqada Kaabaxay Fernando Torres Kadib Goolashii Xalay Uu Kulankisii Ugu horeysay Kudhaliyay 2-gool

Demba Ba' Oo Daaqada Kaabaxay Fernando Torres Kadib Goolashii Xalay Uu Kulankisii Ugu horeysay Kudhaliyay 2-gool


Weeraryahanka cusub ee kooxda Chelsea FC ee dalka Ingiriiska Demba Ba ayaa kulankiisii ugu horreeyey ee uu u saftay kooxdiisa caawa ciyaartii ay la dheeleen Southampton waxa uu u  dhaliyay 2-gool, iyadoo guud ahaan kulankanna ay 5-1 guushu ku raacday Chelsea.

Ciyaartan oo ka tirsanayd wareeggii 4-aad ee koobka FA-ga ayaa Ba oo 27-jir ah 35-daqiiqo oo qura ay ku qaadatay in uu goolashiisii ugu horreeyay u dhaliyo naadigiisa, halka weeraryahanka kale ee kooxdaasi Fernando Torres ay ku qaadatay in goolkiisii ugu horreeyey uu dhaliyo 14-kulan ama 732-daqiiqadood.

Ba ayaa halkaasi sharafta kaga qaaday weeraryahanka Reer Spain ee Torres oo Chelsea ay kula soo wareegtay 50-Milyan oo Gini, halka Demba uu ku fadhiyo  7.5-Milyan oo Gini.

Goolasha kale ee Chelsea ciyaartii Southampton waxaa u kala dhaliyay Victor Moses, Ivanovic iyo Frank Lampard oo goolkii ugu dambeeyey ee Rigoorada ahaa si xarago leh u dhaliyay.



                                      Ba' oo dubradiiba ay is fahmeyn weraratii Chelsea


                                      Demba Ba oo taageerayaaha Chelsea kuleh “Barasho wanaagsan”.


                                             Fernando Torres Oo kayaaban Goolasha Demba B
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada