Demba Ba Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareegay Kooxda Haysata Horyaalka Yurub Ee Chelsea

Demba Ba Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareegay Kooxda Haysata Horyaalka Yurub Ee Chelsea

Ba
Demba Ba ayaa si rasmi ah ugu wareegay kooxda haysata horyaalka Yurub ee Chelsea isagoo u saxiixay heshiis saddex sano iyo bar uu kula joogayo.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin qiimaha ay Chelsea kulasoo wareegtay ba hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in lacagta ay kula soo wareegtay ay tahay £7.5m taasoo ah qiimaha lagu jebin karay heshiiska uu kula joogay Newcastle.

Weeraryahankan oo 29 gool dhaliyay 54 kulan oo uu saftay mudadii uu la joogay Tyneside ayaa xiran doona maaliyada No 29 ee Stamford Bridge.

Ba ayaa waxa uu u sheegay shabakada Chelsea: “Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan joogo oo aan Chelsea ka mid noqdo.
“Marka ay koox ku guuleysatay ChampionLeague ay ku soo dalbato go’aanku wuu fudud yahay. Kooxdan waa mid weyn taasina waa mid sababtay in si fudud aan ugu soo wareego.”

Chelsea ayaa waxa ay u dhaqaaqday in ay soo iibsato Ba kadib markii ay iska iibisay Daniel Sturridge iyadoo kooxda Liverpool kula wareegtay  £12million.

Weeraryahankii hore ee West Ham ayaa waxa uu kula tartami doonaa Fernando Torres inuu boos ka helo weerarka kooxda uu macalinka u yahay Benitez
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada