Eeyaha iyo Mukulaalaha oo la tuhunsan yahay in lagu cuno gudaha dalka Imaraadka Carabta.

Eeyaha iyo Mukulaalaha oo la tuhunsan yahay in lagu cuno gudaha dalka Imaraadka Carabta.

Kooxaha badbaadiya Xayawaanaadka ee dalka Iimaaradka Carabta, ayaa sheegay inay yuhun xooggan ka qabaan in qaar ka mid ah Shisheeyaha ku nool dalkaasi ay cunaan hilibka Eeyaha iyo Bisadaha.

Qoraal Wargeyska Xpress ee ka soo baxa magaalladda Dubai, lagu soo daabacay isbuucan ayaa lagu sheegay in Kooxaha daryeela Xayawaanka (Animal Rescue Groups in UAE) inay shaki xooggan ka qabaan in Eeyaha iyo Bisadaha ugu dambeyntii ku dambeeyaan gacanta Cunto-kariysha ka hawlgala Madbqa ama Kushiinka (Kitchens).

Laura Glanfield oo ka hawlgasha goob lagu daaweeyo Cafimaadka, oo ku taalla magaalladda Dubai ayaa sheegtay inay soo badbaadiyeen 23 eeyo yaryar (pups), kuwaasi oo ay dhaleen Eeyaha dib-jirka ee ku nool Deegaanka Wershadaha ee Dubai.

Glanfield, waxa tuhun geliyey inaysan ogeynin in hilibka Eeyaha cunaan dad ka soo jeeda dalal kle, waxayse sheegtay inay maqleen in ay jiraan shaqaale Shisheeye oo hilbaha Eeyaha iyo Bisadaha ku cuna gudaha dalka Imaaradka, inkastoo ay mamnuuc ka tahay cunista hilbahaasi.

‘’Shaqaalahaasi waxaan maqlnay inay ugaarsadaan Eeyaha dibjirka ah, laakiin ma ogaan karo xaqiiqdaasi’ ayey tiri Glainfield.

Raghad Auttabashioo ka shaqeeysa Hay’adda Alraxma ee Daryeelka Xayawaanka ee magaalladda Dubai, (Alrahma animal welfare society) ayaa u sheegtay Wargeyska inay si xooggan u tuhunsan yihiin in qaar ka mid ah Shaqaalaha Shisheeyaha qabsadaan bisadaha iyo Eeyaha dibjirka ah, si ay u cunaan.

‘Ma hayno wax caddaymo, laakiinse waxa suurtogal ah in dalalkoodz caadi ka tahay cunista hilibka Eeyaha iyo Bisdaha’ ayey tiri, iyadoo intaasi ku dartay in dhaqankaasi uu ka hor imaanayo Dhaqankeenna.

Wargeyska Xpress waxa kaloo uu qoray in Ganacsade iibiya Alaabta Guryaha inuu maalintii Axadda ee a soo dhaafay uu waayey 3 bisad oo uu ku haystay goobtiisa ganacsiga, wuxuuna tilmaamay in loo sheegay in shaqaale ajnabi ah oo ka shaqeynayey goob dhismo uu back u riday bisadihii, uuna la baxsady.

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Hagi Abokor Ahmed ‘Diini-Yare’

Xiggasho:calanka24.com
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada